Quantcast
Channel: Arabsiyo News
Viewing all 1044 articles
Browse latest View live

DEG DEG :- DAWLADA ETHOPIA OO KA HADASHEY WARIYE AY KA XIDHEEN MAGAALADA WAJAALE IYO SOMALIA OO WARQAD AY KAGA HADLEYSO XADHIGA HCTV U QORTEY

$
0
0

Hargeysa (Arabsiyo-News):- Dawlad deeganka Somalida Ethopia ayaa waxaa ay markii ugu horeysay ay ka hadashey wariye Mukhtaar Nuux ibraahim oo dhawaan ciidana  Liyuu Boolisku ka xidheen magaalada Wajaale .

Wasiirka Qurbo jooga Dawlad deeganka Somalida Ethopia  ayaa shabakada Caynabanews  u sheegay in suxufiga lagu magacaabo Mukhtaar Nuux Ibraahim ee  ciidanka Liyuu boolisku ay ka xidheen magaalada Wajaale  danbi lagu soo oogay isla markaana baadhitaano ay ku socdaan hadii wax danbi ahna lagu waayo si deg deg ah xoriyadiisa loogu soo celin doono

Sidoo kale waxaa uu masuulkani uu sheegay in ay xidhiidho ay la soo sameyn haayada Sirdoonka Somaliland  balse masuulkani muu xaqiijin danbiga lagu haysto wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim  waxaanu uu wasiirku si cad uga gaabsade in uu ka hadlo arinta telefishanka HCTV waxaana uu si kooban uu u sheegay in aanu arintaasi waxba ka ogeyn

Dhanka kale warar xog ogaal ah ayaa waxaa ay sheegayaan in dawlada Federaalka ah ee Somaliya ay warqad ay kaga hadleyso xadhga HCTV u qortey dawlada Ethiopia gaar ahaan wasaarada warfaafinta dalkaasi

Arabsiyo Desk

ArabsiyoNews@gmail.com


“SHACABKA SOMALILAND WAXAAN U SOO JEEDINAYAA MAALINTA 1 JULY IN AYNU XAMAR WEERAR KU QAADANO “FAYSAL CALI WARAABE + MUUQAAL

$
0
0

Hargeysa (Arabsiyo-News):-  Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo maanta qaar ka mid ah warbaahinta kula hadley magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu ka hadley ahmiyada maalinta 26 junne ugu fadhido Somaliland iyo   Maalinta 1 July

Faysal Cali Waraabe

Waxaa uu sheegay Faysal Cali Waraabe in 26 Junne aanay Somaliland Macno u laheyn  isla markaana aanay haboonen in dabaal deg loo sameeyo sidoo kalana waxaa uu gudoomiyuhu sheegay in 1 july ay tahay malintii xoriyadii umada Somaliland la qaatey  isla markaana xuska ay dawlada Somaliya u sameynayso aynu inagu dagaal ku qaabilno

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

Arabsiyo Desk

ArabsiyoNews@gmail.com

GUDDOOMIYAASHA XISBIYADA KULMIYE IYO UCID OO U MUUQDA SAXIIBO KU RAFIIQAY SIYAASADDA.

$
0
0

Hargeysa (Arabsiyo-News):-  Guddoomiyaasha Xisbiyada KULMIYE iyo UCID,  Muuse Biixi Cabdi iyo Faysal Cali Waraabe, ayaa u muuqday muddooyinkii u danbeeyay saxiibo siweyn isugu soo dhawaaday oo ku rafiiqay Siyaasadda.

In kasta oo ay kala hoggaamiyaan laba Xisbi oo Mucaarid iyo Muxaafid ku kala abtirsada, hadana taasi  kamay manciyin inay noqdaan rafiiq qoriga dhinac u wadarida, waxayna inta badan ka soo muuqdaan War-baahinta iyagoo garbaha isku haya hadaladooduna isku dhawyihiin.

Xisbiga UCID ee uu Guddoomiyaha ka yahay Eng: Faysal Cali Waraabe ayuu ka dhextaagan yahay khilaaf xoogan oo xadhkaha goostay, kaas oo garnaqiisu ku jiro Guddida diwaangalinta Ururada iyadoo la filaayo inay go’aanka gartooda soo saaran Bacda Iidka.

MEYDADKA RAGGII WEERARAY HOTELKA NAASAHABLOOD EE MAGAALAD MOQDISHO OO LA SOO BANDHIGAY + (SAWIRRO

$
0
0

Moqdisho (Arabsiyo-News):-  Dowladda Somaliya ayaa soo bandhigtay meydadka raggii weeraray Hotelka Naasahablood ee Magaalada Muqdisho oo shalay galab Shabaabka ay galeen.

m

Meydadka la soo bandhigay ayaa gaarayay saddex ruux oo ciidamada ammaanka ay ku toogteen Hotelka, markii la soo afjaraayay weerarka Hotelka.

m1

Guud ahaan ragga Hotelka weeraray ayaa waxa ay gaarayeen Shan ruux oo labo ka mid ah ay isqarxiyeen.

Midkii koowaad wuxuu isku qarxiyay Irida Hotelka, kadib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku dhuftay albaabka Hotelka.

m2

Midka labaad ayaa isagana qarxay, kadib markii gaarigii uu waday Askar ay ku hor istaageen wadada 21-Oktobar xilli uu u sii socday Hotelka Naasahablood oo uu rabay inuu isku qarxiyo.

m3

Afhayeenka Wasaarada Amniga gudaha ayaa sheegay raggaan Shabaabka ka tirsan inay laayeen dad shacab ah oo sooman.

m4

SOMALILAND : WAFTI WASIIRO AH OO GAADHAY MAGAALADA LAASCAANOD + (SAWIRO).

$
0
0

Laascanood (Arabsiyo-News):-  Waftidii   balaadhnay  ee uu  hogaaminayey  wasiirka wasaarada  Arrimaha Gudaha Somaliland  Mudane  Cali Maxamed Waran Cadde  ayaa saaka Aroornimadii  Gaadhay  Xarunta  Gobolka Sool Ee Laascaanood  Halkaasi  oo waftida wasiirka ay   kusoo  dhaweeyeen   Badhasaabka Gobolka Sool  Mustafe Shiine Iyo Maamulka Gobolkaasi.

IMG_2974

Waftidan  uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland  Ayaa Maalmahanba  Safaro  kala duwan  oo Ay  ku  suganayaan  amaanka Dalka iyo  xalinta  khilaafaadka   ku  joogay  Gobolka Togdheer.

Badhasaabka Gobolka Sool oo  ugu  horeyn   la hadlay  warbaahinta ayaa sheegay  in  shaqaaqadii  shalay   ay    ka  dhacday  miyiga oo  laysla  tagay    gobolkana  ay  ku  hayaan  cudud ciidan  oo hada   ciidanka  qaranku  ku  sugan  yahay  wax   danbana  aanay  ka  dhicin

IMG_2987

Wasiirka  Arrimaha Gudaha  Oo Markii Uu Magaalada Laascaanood uu Soo Gaadhay  dhankiisa  La Hadlay Warbaahinta  ayaa  Sheegay  In cidii  wanaaga  iyo  wada  xaajoodka diida ay   gacan wax  kaga  qabanayaan waxaana  hadaladiisii  kamid ahaa “ilaahaybaa Mahada leh waxaaniu  saaka  soo   gaadhnay   gobolka sool  magaalada laascaanood  sidaa badhasaabku  sheegay  waxaa runtii  ka  dhacay  waxyaalo  naxdin  leh  oo aan  runtii  loo baahnayn,  ka  dawlad ahaana waxaanu  jecelahay inaanu  wax ka qabano  wixii  nagaga  aadan  run ahaana  waxaanu  shacabka u  sheegaynaa inaanu  gacan  wax  kaga  qaban  doono  cidii  u  hogaansami  weyda awaamiirta  qaranka oo  cudud  ciidan  u  adeegsan  doono  dabkana  la saari  doono  markaa  wixii  gaadhay  cid walbaaba  iyadaa is eersan doonta”

IMG_2989

Wasiirku  sidoo  kale  isaga oo hadalkiisa sii wata  waxaa  uu  u  bahadnaqay  guurtida sulaadiin  iyo waxgaradka  dhexdhexaadinta   hore uga  waday  goobtaasi. Waxaana  wasiirka  arrimaha  guduhu  si  nabad galyo  leh   u  dhex  luguuyey  waddooyinka waaweyn  ee  magaalada  laascaanood

SABABIHII AY KU TIMID 26-KA JUUN … W/Q: CALI CABDI COOMAY

$
0
0

26-k Juun 1960kii oo ahayd markii maxmiyadii ingriiska ee Somaliland “British Somaliland protectorate” xornimadeeda ka qaateen dawladii Ingiriiska,sida aan la socono intii ka horraysay 01 Luulyo 1960kii Somaliland waxay ahayd dawlad gooniya ( Independent state). waxayna noqdeen dawlad madax bannaan oo la aqoonsan yahay ilaa 01 Luulyo 1960kii. Isla maalintaas Soomaaliya xorowday ayay labada dal midoobeen inkastoo midawgaasi mad-madow badani ku jiray.

Midowgaasi muu ahayn mid sharciya, maadaama oo aanu jirin wax qoddobo sharci ah oo la kala qortay. Markii la soo gaadhay 26 juun sannadkii 1960-kii ayay bilaabmatay dabaaldegyo. Maalintani waa maalin ay leedahay Somaliland, balse maaha maalin ay Soomaaliya leedahay.

Dabaaldegyadii

Xafladdii Calan-saarka 26 Juun 1960.

Xafladdiiugu horaysay waxay bilaabmatay 9:00 aroornimo, waxayna ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Hargaysa istaadyoon, oo waagaasi la odhan jiray “Boolooga”.Xuskan waxa ka soo qaybgalay xukuumaddii Somaliland, shaqaalihii dawlada, madaxdii ururada, culimadii, ganacsatadii iyo dadweynihii reer Hargaysa.Goobtan waxa muusiga ka tumayey koox Ingirisku keenay oo la odhan jiray (Scottish Band).Waxa kale oo xuska ka tumayey kooxda Baanboyda (Band Boys).Waxa salaan ka qaatay Madaweyne Xaaji Cumar Askar iyo Raysal wasaaral-wasaare Maxamed X. Ibraahin Cigaal. Xafladani waxay soo xidhantay 2:00 galabnimo.

Xafladdii labaad ee xuska dabaaldegu wuxuu ka dhacay garoonka kubadda cagta oo ku yaallay meesha imika laga dhisay masaajida ibraahin dheere, oo markaasi dambe loo bixiyey xaruntii 26 juun. Xafladan ayaa bilaabmatay 4:30-kii galabnimo socotayna ilaa 12:00 habeenimo.

Xafladdii Calan Saarka

Markii la gaadhay 10:00 habeenimo ayay toos u bilaabmatay xafladdii calan saarku. Waxa khubad dheer goobtan ka jeediyey Raysal wasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo xoghayihii badhasaabka Ingiriiska oo la odhan “ P.Carrel”. markay saacadu gaadhay 12:00 habeenimo ayaa la soo dejiyey calankii Ingiriiska oo goobta sudhnaa, waxaana gacanta laga saaray xoghayihii badhasaabka ingiriiska. Ka dib waxa la saaray calankii Somaliland. Markaasuu Abwaan C/laahi Suldaan Timacade tiriyey gabaygii caanka ahaa ee la magac baxay “ kaana siib kanna saar”. Waxa kale oo goobtan lagu soo bandhigay heeso iyo ciyaaraha hidaha dhaqanka.

Baanbowdii Ingiriiska oo Xafladdii Calan-saarka ka Tumaysa 26/6/1960.

Tartankii Gabayada

Waxa goobta ka dhacay tartan u dhexeeyey abwaano ka kala socday xisbiyadii SNL/USP iyo NUF.Waxa tartamay dhawr iyo toban gabayaa.Aakhirkii waxa kaalinta kowaad galay abwaan Cabdi Iidaan. Cabdi Iidaan wuxuu tiriyey Geeraar caan noqday oo ay ka mid ahaayeen erayadiisa” ilaahow arligeennana mid ammaan lagu joogoon abaaroobin ka yeel”.

Dalalkii Aqoonsaday Somaliland

Markii ay Somaliland ka xorowday gumaysigii ingiriiska ee 26 juun 1960-kii, waxa aqoonsaday dawlado badan, waxa ugu horeeyey, Masar iyo Israa’iil. Intaasi ka dib waxa ku xigay shantii dawladood ee joogtada ku ahaa golaha Qaramada Midoobay: Faransiiska, Ingiriiska, Maraykanka, Midowgii Soofiyad ka iyo Shiinaha.

27-kii juun 1960-kii wuxuu Baarlamaankii Somaliland ansixiyey sharci loogu gogol xaadhayey is-raaca iyo midnimada labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Midowgii Ka Dib : Shacabka Soomaalilaan oo Dareemay Khiyaamadii dhacday

Dadka reer Somaliland waxa ay midow ku sheegaasi doonayeen inay kaga dhabeeyaan riyadoodii ahayd in la sameeyo dawlad salbalaadhan oo ay kasoo qayb galaan wixii Afsoomali ku hadlaa meel kastoo ay joogaanba. Laakiin waxaa markiiba beenawday riyadaas, dadka reer Somalilandna waxa laga duudsiiyey xuquuqdii wadaniyeed ee ay lahayeen. Dadka reer Somaliland oo markiiba dareemay in la khiyaamay oo isla markiiba waxa ay bilaabeen inay xornimadooda kala soo noqdaan reer Soomaaliya, waxaad arkaysaa suugaantii markii hore kuwada baaqaysay midowga iyo Soomaalinimada oo marqudha isu badashay inay sheegaan sida la khiyaameeyey. Wuxuu yidhi Cabdillahi Suldaan Timacade( alla haw naxariistee) tix uu arrintaasi kaga hadlaayey waxaa ka mid ahaa beedkeedii” DUQAYDII BARLAMAANKIYO DEKADIIBA WAA XAMAR”.

Waxaa kale oo Qaasim oo ka mid ah abwaanada Soomaalilaan yidhi maanso ay ka mid ahaayeen eraydan:-

 

ISMA DOORIN GAALKAAN DIRIYO, DAARTA KII GALAYE DUSHA MIDABKA SOOMALIMAAD, DUGULKA MOODAAYE MISNA LAGUMA DIIRSADO, EE QALBIGU WAA DIRKII KARALE MEESHAAN DAD IISOO KORDHIYO, DARAJO EEGAAYEY IYABA WAA DARXUMO II DHIMANE, DACAR MIYAAN LEEFAY MA DORRAATO RAADKAAN DHIGAAN, DIBUGU SOO LAABTAY SIDII AAN DAYEYNAHAY MIYAAN, DAWGII KA HABAABAY

Bishii Luulyo1961kii waxaa dadka reer Somaliland gaashaanka ku dhufteen oo cod aqlabiyad ah ku diideen distoorkii qeexayey ee lagu sharciyeynaayey is-raaca labada dal ee Soomaaliya iyo Somaliland. Laakiin nasiib darro dawladdii markaas jirtay oo reer Soomaaliya ahayd waxay diideen inay aqoonsadaan maxsuulkii doorashadaasi sababta oo ahayd in aanay maslaxadi ugu jirin arrintan. Bishii december 1961 waxaa madaxdii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee reer Somaliland isku dayeen inay dhigaan inqilaabkii dhicisoobay. Inqilaabkaasna waxay ku doonaayeen inay kula soo noqdaan madaxbannaanidii luntay. Balse muu suurtagelin. 18 Meey ee Sannadkii 1991-kii ayay shacabka reer Soomaalilaan saxeen khaladkii ay sameeyeen 1-dii Juulay ee Sannadkii 1960-kii, waxa aanay la soo noqdeen madaxbannaanadii hore uga luntay.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan,

Calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac:

Sooyaalkii Yuusuf Ismaaciil Samatar” Gaandi”(2014)…….Cali Cabdi Coomay

Madaxwaynayaashi isku Qariyay Maryaha Kale {Xogta Dahsoon}

$
0
0

Arabsiyo News– halkan hoose ka daawo barbixin xiiso leho ka hadlaysa wariyayaashii isku qariyey Maryaha kale Maryaha kale {Xogta Dahsoon}

 

Maxaad kala socotaa tirada hotelada Muqdisho ee lagu galay qaraxyada iyo weerarada tooska ah..?!

$
0
0

Muqdisho{Arabsiyo–News}–Xoogaga Al-Shabaab ee dagaalada kula jira ciidamada dowlada iyo kuwa taageeraya ee AMISOM ayaa sanadahan dambe weeraro soo laalaabtay oo loo maaro waayey waxay la beegsanayeen hotelada waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Hoteladan oo ah kuwo si aad ah loo ilaaliyo ayaa waxaa dadka shacabka ah ka sokow degan xildhibaano, wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Somalia, sidoo kale qaarkood waxaa xarumo ay u yihiin shirkado, heyaddo iyo safaarado ajnabi ah, waana arrimahan kuwa keenay in hoteladan ay bartilmaameed u noqdaan Al-Shabaab.

Saraakiisha Al-shabaab waxay dhowr jeer milkiilayaasha hotelada uga digeen iney iska fogeeyaan madaxda dowlada haddii ay sidaas yeeli waayaana waxay ugu hanjabeen iney weerari doonaan.

Milkiilayaasha hotelada ayaan amarkaas dheg jalaq u siin, iyagoo fiirsanaya danahooda ganacsi, waxay hanjabaadaas bedelkeed ku dhaqaaqeen iney xoojiyaan amaanka hotelada ayna ku wareejiyaan difaacyo, taasoo keentay in hotelada qaarkood ay u ekaadaan sidii xeryo milateri, bilicdoodiina meesha ka baxdo.

Balse Al-Shabaab oo looga bartay iney la soo baxaan xeelado cusub ayaa difaacyada la dhigay hotellada qaarkood aaney ka joojin iney weeraro geystaan.

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa horey u weeraray gudahana u galay xarumo aad loo ilaaliyo oo ku yaalla magaalada Muqdisho, sida xarunta madaxtooyada iyo xerada Xalane oo ah xarunta ugu weyn ee ciidamada AMISOM, sidaas darted dad badan waxay aaminsan yihiin ineysan biyo u kabaneyn gelitaanka hotelo iwm.

Hotelka Muna oo ku dhow Madaxtooyada ayaa noqday hotelkii ugu horeeyey ee Al-shabaab ay weeraraan waxaana weerarkaas oo dhacay 24-kii bisha Agoosto sanadkii 2010 lagu dilay 30 ruux oo lix ka mid ah ay ka tirsanaayeen xildhibaanada baarlamankii KMG ahaa ee dowladii uu hogaaminayey Madaxweynihii hore Shiikh Shariif.

Tan iyo wixii xiligaas ka dambeeyey waxaa joogto noqday weerarada lagu bilaabo qaraxyada baabuurta ka dibna dagaalyahano hubeysan ay ku galaan hotelada, waxaana tan iyo xiligaas la weeraray hotelo badan oo ay ka mid yihiin, Jasiira, Maka Al-Mukarama, Central, Saxafi, Weheliye, Ambasador, Siyaad, SYL iyo Naasa hablood oo ugu dambeeyey iyo qaar kale.

Hotelada qaarkood Al-shabaab waxay weerareen min labo jeer iyo ka badan, waxaana ka mid ah Maka Al-Mukarama, Jasiira iyo Weheliye, iyadoo weeraradan lagu laayey dad badan oo shacab, askar iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada Somalia, iyagoo sidoo kale burbur hantiyeed geystay.

Inkastoo laamaha amaanka dowlada Somalia ay muujiyeen dedaal badan si looga hortago weerarada noocan ah, wax badana qabteen, haddana weli kuma guuleysan iney u maaro helaan weerarada Al-shabaab ay soo qaado taasoo keentay iney mar kasta soo laalaabtaan.

breaking_news1


Daawo Sheekh Maxamed Sh Cumer Dirir oo markii ugu horaysay waraysi dhinacyo badan tabanaya lala yeeshay

$
0
0

Hargaysa(AN)Daawo Sheekh Maxamed Sh Cumer Dirir oo markii ugu horaysay waraysi dhinacyo badan tabanaya lala yeeshay

Arabsiyo.net

Hargaysa Office

Madaxwayne Siilaanyo oo dhambaal tacsi udiray Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Axmed Cabdilaahi Faarax (Cidhib-barakale)

$
0
0

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawlada iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Boqorada, Ugaasyada, Salaadiinta, Cuqaashada, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Axmed Cabdilaahi Faarax (Cidhib-barakale), oo ku geeriyooday Caawa oo ay taariikhdu tahay 16/06/2016, magaalada Hargeysa.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Chief Caaqilada ugu faca-weyn cuqaashada dalka, kana soo shaqeeyey nabadayntii, dib u dhiskii iyo horumarka dalka, laguna xasuusan doono doorkii waayeelnimo ee u ka soo qaatay wakhtiyadii kala duwanaa ee dalka horumarkiisa iyo taabo gelintiisa lagu hawlanaa.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno geeyo, boqorada, ugaasyada, salaadiinta, cuqaashada, waxgaradka, waayeelka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Daawo Munaasibad Si Heer-sarre Ah Loo Agaasimay Oo Lagu Xusayay 26-ka June, ayaa Habeenimadii Xalay Ahayd lagu qabtay Jaamacada Timacade Universati Ee Gobolka Kani Gabiley

$
0
0

Gabiley(AN)  Munaasibad Si Heer-sarre Ah Loo Agaasimay Oo Lagu Xusayay 26-ka June, ayaa Habeenimadii Xalay Ahayd lagu qabtay Jaamacada Timacade Universati Ee Gobolka Kani Gabiley
Munaasibadasi Oo Ahayd mid la isku arkay oo xuddun looga dhigay taariikhda ay Somaliland soo martay muddadaa 56ka Sannadooda, oo ay ku jirto muddo 30 sannadood
ah oo ay Somaliland Wakhtigasi Calankeedi ay Ka Qaadatay Isticmaarkii Ingiriska Ula Tagtay Gobolada Konfurta Somaliya iyadoo Raadinaysay Somaliland midnimada Somaliyed

Balse Ay Taasi Noqotay Hal Bacaad Lagu Lisay Waxana Xusud Mudan In Somaliland ay Xornimada Ka Horqaadatay Wadamo Badan Oo Afrika Kamid ah
Waxana Munaasibadani Lagu Xusayo

Arabsiyo.Net

Office Gabile

CIYAARYAHANKA MESSI OO SHAACIYEY IN UU KA FADHIISAN DOONO CIYAARAHA CAALAMIGA AH + MUUQAAL.

$
0
0

Hargaysa{ARABSIYO-NEWS}Ciyaaryahanka Argentina Messi Oo Qaatay Go,aan Uu Kaga Fadhiisanayo Ciyaaraha Caalamiga Ah Ee Wadankiisa U Ciyaaro Kadib Jabkii Chile,Messi ayaa goolkii rigooraha khasaariyay isla markaana laga badiyay marlabaad final iyagoo soo gaadhay Koobka America

mesi

Halkan Hoose Ka Daawo Ciyaaryahanka oo shaaciyey in uu ka fadhiisanayo ciyaaraha

 

Halkan Hoose Ka Daawo Ciyaaryahnka Goolkii uu cunay ee ku kalifay in uu is ka fadhiisto

Dagaal Mar kale Deegaanka Dab-dheer Ee Gobolka Sool Ku Dhex Maray Labadii Beelood Ee Dirirtu Ka Dhaxaysay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalka

$
0
0

Arabsiyo-News—Wararka naga soo gaadhaya magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool ayaa sheegaya in mar kale dagaal ku dhex maray deegaanka dab-dheer oo dhanka konfureed kaga beegan tuulada Dhuumay ee degmada laascaanood labadii beelood ee walaalaha ahaa ee dirirtu mudooyinkii u danbeeyeyba ka dhaxaysay.

Dagaalkan dhex maray labada ardaa ee walaalaha ah ee wada dega deegaanada ku teedsan koonfurta laascaanood ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, waxa la sheegay in inta la ogyahay dagaalkaa uu ku dhintay hal qof halka 2-kalena ay ku dhaawacmeen kuwasi oo la keenay cusbitaalka wayn ee magaalada laascanood.

Waxaana dagaalkani u daba socdaa dagaal dhawaan deegaanada koonfurta dharkayn geenyo ku dhex maray labada ardaa oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Odayaasha,waxgaradka,cuqaasha iyo Isimada gobolka sool ayaa iyagu ku hawlan sidii ay u damin lahaayeen colaadan ka dhex istaadhantay labada beelood iyaga oo sidoo kalena ay ciidamo tiro badan la geeyay deegaanda ay wada dagaan beeluhu.

Dhanka kale waxa iyagu shalay magaalada laascaanood gaadhay xubno wasiiro ah oo ka socda xukumadda Somaliland kuwaasi oo iyaguna ku hawlan sidii ay dhankooda kak xukumad ahaan uga qayb qaadan lahaayeen daminta shaqaaqadan, iyaga oo kulamo kala duwan la qaadanaya odayaasha waxgaradka iyo cuqaasha labada beelood.

Ugu danbayntii wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in aad loo adkeeyey amaanka magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool iyada oo la sheegay in xalay aad loo baadhayay gaawadhida maraya wadooyinka magaalada.

Ilaa hada lama garanayo sababta rasmiga ah ee ay labadan beelood dirirtu uga dhaxayso.

 

“Waxaanu Leenahay Madaxwaynaha Iyo Qoyskiisan Lagu Saliday Inay Iibiyaan Uun Hantidii Umaddu Lahayd Inay Mustaqbalkooda Ilaashadaan Oo Ay Magacooda Dhawrtaan”Suldaan Cali Saleebaan Maxamed

$
0
0

Arabsiyo News—Salaadiinta,Cuqaasha Iyo Waxgaradka Gobolka Saaxil ayaa ganafka ku dhuftay Heshiiska ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la saxeexatay Shirkada Imaaraatiga ah ee DP-World,Waxa ay Shir Jaraa’id oo ay qabteen Madaxweyne Siilaanyo iyo Qoyskiisa ugu baaqeen inay mustaqbalkooda ka fiirsadaan oo aanay umadan uga tagin fidmo iyo habaar,oo aanay la waynaan Shilimaanta ay qaadanayaan Shirkada Dp-World.

Waxa kale oo ay iclaamiyeen inaanay sinaba u ogolayn heshiiskaasi illaa umada la fahamsiinayo oo loo sheegayo waxa uu daaran yahay,iyo Danta Qaranka ugu jirta,waxa kale oo sheegeen in Umadda Gobolka Saaxil heegan u yihiin illaalinta inuu dhaawac soo gaadho Dekeda Dahabiga ah ee Waraabisa Shacabka Reer Somaliland.

Suldaan Cali Saleebaan Maxamed oo ka mid ah Salaadiinta ugu miisaanka culus Salaadiinta Gobolka Saaxil oo shirkaasi jaraa’id hadal ka jeediyay ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa

“Maanta Waxaanu doonaynaa inaanu halkan kaga hadalno Wararkan Xasaasiga ah ee ku saabsan Dekeda Berbera,Taasi oo aanu u aragno Mustaqbalkii Umadda reer Somaliland oo dhan in maanta dhuunta lagu dhufanayo,oo dad maxaysato ah oo doonaya Aragtida dhaw ee “Shilin urursi” in Sacabka wax loo saaro oo qudha,Dekedan Ruushkii ayaa ka tagay,Maraykan ayaa ka tagay,Talyaani ayaa ka tagay,Dadka waxa u hadhaya oo u mustaqbal ah Waa Sibidhkaasi,Maanta Mustaqbalka umada ma doonayno in lagu ciyaaro,Waxaanu leenahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qoyskiisan lagu saliday inay Iibiyaan uun Hantida Umadda inay Mustaqbalkooda ilaashaddaan oo ay Magacooda dhawraan, Madaxweyne Hanoqon Mid Umaddan Habaar ka kasbada oo Taariikh Xun kaga tagga”.

Xubbin kale oo ka tirsan Cuqaasha Gobolka Saaxil oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa Madaxweyne Siilaanyo Xasuusiyay Dardaarankii uu Daahir Riyaale kaga tagay maaliintii uu xilka ku wareejiyay Siilaanyo,waxaana uu ugu Baaqay Madaxweyne Siilaanyo in haddii uu ka aamuso arintani ay dhaboobi doonto kalmadii uu Riyaale u guntay,waxaana uu yidhi

“Maaha Maalgashi wax la yidhaa ee waa Maal gurasho,Haddii aad doonayso Madaxweyne inay dhabawdo Kalmadii Riyaale kaaga tagay ee ahayd,Aniga Gacantayda ku Burburimayso Somaliland ee Gacan kale haku burburto,sidaasi uga aamusnaw,Haddii kalena Arintani Dekeda Berbera wax ka qabo”.

Caaqil kale ayaa isna waxa uu yidhi “Haddaanu nahay Gobolka Reer Saaxil Dadka Alle dhigay ee uu kuu abuurtay ma ogolin Dekedan la baloodhaysanayo ee aad moodo Shacaabi ay badu ka caariday oo meesha laga helay,Hadaanu nahay Reer Saaxil Awalba Magaca uunbaanu lahayn,Manfacana Xaab ayaanu ku lahayn,Xaydhana cid ayaa lahayd,haddii Xaabkii la noodayn waayay oo Xuunshadu ku wareegayso,Xaydheedana anagaa ku darsane hala-ogaado,”Ninbaa Gabadhiisu Ku Qaab Xumaatay Si Walba Way Ula Isticmaashay Markii Dambena Gogoshiina Way Seejisay,Ninkaasi Wuu Ka Gabyay Oo Wuxuu Yidhi “Dabarka Iyo Hogaankii Bartay Iyo Didibsigii Awre,Keenada Markii La Igu Daray, Haddana Didib Xidhkaan Diiday”Tan Imika Lanagu Wadaa Waa Didib Xidh”. Cuqaashan iyo waxgaradkan ayaa isku raacay inaanay ogolayn Maalgashiga Dekeda Berbera oo ay shaki ka bixiyeen islamarkaana waxa ay ka dhawaajiyeen inay jeel u galayaan oo aanay ogolayn in Shilimaad carab laga qaaday uu la wareego Dekeda Berbera,waxa ay sidoo kale sheegeen in Qaabka wax loo wado aanay ku qanacsanayn oo uu mugdi badani ku dahaadhan yahay.

 

Al-Shabaab Oo La Wareegay Deegaan Ku Dhow Magaalada Baydhabo

$
0
0

Muqdisho(Arabsiyo News) Dagaalyahano ka tirsan al-Shabaab ayaa la wareegay deegaanka Goof-gaduud Shabeellow oo galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo illaa 30-KM.

Sida ay sheegayaan wararka la wareegitaanka Al-Shabaab ee deegaankaas ayaa ka dambeysay markii ciidamadii dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen deegaankaas.

Dadka deegaanka Goof-gaduud ayaa sheegay inay ka war heleen Ciidamada oo ka guuraya saldhigooda, isla markaana dib ugu laabtay Baydhabo.

Lama oga sababaha ka dambeeya ka bixitaanka Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee deegaankaas, waxaana ka bixitaankooda ku soo aaday, markii magaalada Baydhabo lagu soo gaba gabeeyay shirka Madasha Wada-tashiga qaran.

Ciidamada ka guuray deegaanka Goof-gaduud ayaa dib ugu laabtay saldhigyo ku yaalla magaalada Baydhabo, mana jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM.

Deegaanka Goof-gaduud oo ah deegaan Istiraatiiji ah ayaa waxaa uu isku xiraa degmooyin ka tirsan Gobolka Baay, sida Qansax-Dheere, Ufurow iyo Diinsoor.

 


DAAWO:”WAAR WAX MACNO LEH KA SOO BIXI MAAYAN DIYAARAD LA SII RAACO LA SOO RAACO”DR MAXAMED FADAL

$
0
0

Hargaysa(Arabsiyo-News)Xoghayaha Arimaha dibada ee xisbiga wadani Dr Maxamed cismaan fadal ayaa wadahadalada somaliland iyo soomaliya ku tilmaamay diyaarad la sii raacayo hadana la soo raacayo

XUKUUMADA SOMALILAND OO KA HADASHEY DAGAALKA KA SOCDA DEEGANKA DHARKAYN GEEYO EE GOBALKA SOOL + MUUQAAL.

$
0
0

Hargeysa (Arabsiyo-News):- Wasiirul dawlaha nabadeynta gobalada  Bari ee Somaliland ayaa waxaa uu ka hadley dagaal ka socda deeganka Dharkeyn Geeyo ee gobalka Sool waxaana uu sheegay in xukuumada Somaliland ay da daalkii ugu weynaa galisay sidii  dagaalkaas loo joojin lahaa isla markaana waxaa uu mar kale beelaha walaalaha ah ee halkaasi degan ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan

ss

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan 

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiirada Maaliyada, iyo Madaxtooyada oo maanta Cusbitaalka Guud ku booqday Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale.‏

$
0
0

Hargeysa(Arabsiyo-News) Maanta oo isniin ah taariikhduna tahay 27/06/2016  waxa Cusbitaalka Guud ee Hargeysa booqasho ku tegay Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyeen Wasiir Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.Booqashada Boobe

Gudoomiyaha iyo labada wasiir markii ay gaadheen qolka Room 3 oo uu ku sugan yahay Mujaahid Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo maalmahan xaalad caafimaad u jiifay dhakhtarka weyn, ayaa bariido ka dib waxay la qaateen wakhti kooban oo ay mujaahid ka xaaladiisa ugu kuurgaleen kana waraysteen sida uu hadda yahay caafimaad ahaan mujaahidku.

 Mujaahid boobe oo xaaladiisa caafimaad maalinba maalinta ka sii danbaysa ay ka soo raynayso, waxay gudoomiyaha iyo labada wasiir Alle uga baryeen inuu ka dulqaado Xanuunka oo uu caafimaad degdeg ah siiyo. Amiin Amiin Amiin.

Deg Deg Saraakiisha Ciimada Gobolka Saaxil Iyo Maamulka Degmada Berbera Oo kulan Deg Deg ah Isugu Yimid + Xaalada Barbara Oo ………….

$
0
0

Berbera {Arabsiyo News}—-Deg Deg Saraakiisha Ciimada Gobolka Saaxil Iyo Maamulka Degmada Berbera Oo kulan Deg Deg ah Isugu Yimid + Xaalada Barbara Oo ………….

Berbera Desk

ArabsiyoNews@gmail.com

Daawo Gudoomiye Ciro oo kahadlay kulan uu layeeshay Masuulka ugu saeeya Shirkada DP World

$
0
0

Hargaysa(AN)Daawo Gudoomiye Ciro oo kahadlay kulan uu layeeshay Masuulka ugu saeeya Shirkada DP World

Arabsiyo.net

Arabsiyonews@gmail.com

Hargaysa Office

Viewing all 1044 articles
Browse latest View live